Hoggaanka Guddiga
Guddoomiyaha wuxuu tilmaamaa jihada istiraatiijiga ah ee guud, wuxuuna matalaa Guddiga heerka ugu sarreeya.
Xubnaha Guddiga (Commissioners) waxay sameeyaan kormeer iyo talo khabiirnimo, iyagoo ka hawlgala guddiyo-hoosaadyo khaas ah (Aqoonsiga, Tayodhowrka, Cilmi-baarista & Horumarinta, Siyaasadda & Istiraatiijiyadda).
Hoggaanka Guddiga Qaranka ee Tacliinta Sare (NCHE), wuxuu ka kooban yahay Guddoomiye, Guddoomiye Ku-xigeen, iyo 13 xubnood (Commissioners), kuwaas oo lagu magacaabo si waafaqsan Sharciga Tacliinta Sare.
Guddoomiye Ku-xigeenka wuxuu ka caawiyaa Guddoomiyaha hawlaha shaqo ee guddiga, wuxuuna matalaa Guddoomiyaha marka uu maqan yahay.
Xoghayaha Guud wuxuu u shaqeeyaa sidii Agaasimaha Fulinta (CEO) ee Guddiga. Shaqadan waxaa lagu mideeyey xilkii hore ee Maareeyaha Fulinta, taas oo ka dhigaysa Xoghayaha Guud masuulka keliya ee hawl-maalmeedka, maamulka shaqaalaha, maamulka guud, iyo hirgelinta go’aannada Guddiga. Xoghayaha Guud ayaa sidoo kale saxiixa dhammaan waraaqaha rasmiga ah ee fulinta, wuxuuna matalaa Guddiga arrimaha hawlgalka.
Guddiga qaran ee tacliinta sare
Gudoomiyaha, Gudoomiye ku xigeenka, 13 xubnood iyo Xoghaha Guuud
Gudoomiye
PhD ee Maamulka Waxbarashada
Gudoomiye ku xigeen
PhD ee Shareecada
Xubin
PhD ee Waxbarashada
Xubin
PhD ee Nabada, Dawladnimada iyo Horumarka
Xubin
PhD ee Horumarinta Manaahijta
Xubin
PhD ee Cilmiga Bulshada
Xubin
PhD ee Taariikhda Casriga
Xubin
PhD ee Cilmiga Teknoloojiyadda
Xubin
PhD ee Cilmiga Deegaanka
Xubin
PhD ee Ganacsiga iyo Maamulka
Xubin
PhD ee Maaliyadda Caalamka
Xubin
PhD ee Horumarinta Manaahijta
Xubin
PhD ee Waxbarashada
Xubin
PhD ee Daawaynta Xoolaha
Xubin
PhD ee Injineeriyadda Madaniga
Xoghaya Guud
PhD ee Dhaqaalaha
