NAGU SAABSAN

GUUD-MAR

nchelogotransparent

Guddiga Qaranka ee Tacliinta Sare (NCHE) waxaa lagu asaasay Sharci Baarlamaan No. 30 oo soo baxay 4-tii Diseembar, 2024. Maadaama uu yahay hay’ad sharci lagu dhisay, Guddiga wuxuu leeyahay shakhsiyad qaanuuni ah; taas oo u saamaxaysa inuu hanti maamulo, heshiisyo sharci ah galo, isla markaana dacwo ku furo magaciisa. Guddigu wuxuu u xilsaaran yahay hagidda, nidaaminta, horumarinta iyo tayodhowrka dhammaan Hay’adaha Tacliinta Sare ee dalka, ha ahaadeen kuwo dowladeed ama kuwo gaar loo leeyahayba.

aragti

In la xaqiijiyo horumarinta hay’adaha tacliinta sare ee Soomaaliya si ay u noqdaan xarumo aqooneed oo tayo sare leh, kuwaas oo ka jawaaba baahiyaha horumarineed ee dalka Soomaaliya; isla markaasna la jaan-qaada heerka tartanka caalamiga ah.

HIMILO

Himilooyinka Guddiga Qaran ee Tacliinta Sare

Horumarinta barnaamijyo tayo leh:

In la abuuro lana xoojiyo barnaamijyo tacliin sare oo tayadoodu sarrayso..

Soo saarista aqoonyahanno xirfad leh:

In la diyaariyo arday jaamacadeed oo leh karti, hal-abuurnimo, iyo akhlaaq suuban.

Dhiirrigelinta cilmi-baarista iyo aqoonta:

In la dhiirrigeliyo cilmi-baarista, isweydaarsiga aqoonta, iyo barashada joogtada ah.

La jaanqaadidda himilooyinka qaranka:

In la hubiyo in tacliinta la bixiyo ay waafaqdo oo ay buuxiso himilooyinka iyo baahiyaha qaranka..

WhatsApp Image 2025-09-24 at 22.21.19 (1)
XEERAR IYO UJEEDOOYIN ASAASI AH.

ujeedooyinka

  • Kordhinta aqoonta akademiga ah; iyada oo loo marayo waxbarasho iyo cilmibaaris.
  • Horumarinta dhaqanka iyo dhaqaalaha qaranka.
  • Ka qaybqaadashada qorshayaasha horumarineed ee qaranka ee la xiriira dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.
  • Kobcinta tayada iyo halbeegyada waxbaridda iyo cilmibaarista.
  • Xoojinta awoodda ardayda si ay si ay ugu fekeraan si xeel-dheer oo madax-bannnaa.
  • Dhiirrigelinta fursado loo siman yahay oo ardayda iyo macallimiintuba ka helaan jaamacadaha iyo hay’adaha tacliinta sare.
  • Abuurista deegaan loo dhan yahay oo dadka baahiyaha gaarka ah qaba ay si siman ugu helaan waxbarashada.

Qiyamka Aasaasiga ah

Daacadnimo

Guddigu wuxuu ku shaqeeyaa daacadnimo iyo hufnaan dhammaan howlaha uu qabto, isagoo hubinaya in go’aannada la xiriira aqoonsiga iyo siyaasadaha lagu saleeyo cadaalad iyo eex-la’aan.

Mas’uuliyad

Guddiga Qaranka ee Tacliinta Sare wuxuu isagu iyo dhammaan jaamacadaha dalka ka dalbanayaa inay u hoggaansamaan Halbeegyada la dejiyey, islamarkaana si hufan u gutaan kaalintooda.

Heer-Sare

Guddigu waxaa ka go’an horumarinta iyo ilaalinta Halbeegyada ugu sarreeya ee tayada waxbarashada iyo waxqabadka jaamacadaha dalka oo dhan.

Xirfadaysnaan

Guddigu wuxuu ku shaqeeyaa xirfad iyo aqoon sare, isaga oo dhiirrigelinaya isla markaana ilaaliya Halbeegyada ugu sarreeya ee tayada tacliinta iyo hannaanka waxqabadka hay’adaha waxbarasho.

Iskaashi

Guddigu wuxuu si dhow ula shaqeeyaa jaamacadaha, hay’adaha dawladda iyo daneeyayaasha kale, si loo gaaro yoolalka guud ee horumarinta waxbarashada sare.


Links

Contact Us

Villa Soomaaliya, Muqdisho, Soomaaliya
+252610864444
info@nche.gov.so
Scroll to Top